Daawo:RW,oo ka qeyb galay Munaasabada Maalinta Nabadda Adduunka

0
207

Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta nabadda adduunka, taasoo sanadkaan halku dhegeedu ahaa “Aan ku midowno Nabadda”.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxda maamul goboleedyada dalka, gaar ahaana Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Maxamed Madoobe.

Waxaa Munaasabadan soo qaban qaabiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Haweenka iyo xafiiska UNSOM ayaa waxaa lagu muujiyay muhiimada ay nabadda u leedahay bani’aadamka, si gaar ahna dalka Soomaaliya oo 70% (boqolkiiba todobaatan) dadkeedu yahay dhalinyaro, waxaana laga aqriyay goobta baaqii dhalinyarada caalamka ee ka soo baxay shirkii ay ku yeesheen dalka Urdun, kaasoo lagu qeexay in loo baahan yahay in dhalinyaradu ay qeyb ka noqdaan hay’addaha siyaasada dalka, si loo helo xasilooni iyo nabad.

Sidoo kale, iyada oo laga faa’iideysanayo munaasabadan maalinta nabadda ayaa waxay wasaaradda haweenku soo bandhigtay qorshe Qaran oo looga hortagayo Gudniinka Fircooniga, waxayna Wasiirka haweenka iyo xaquuqul insaanka Marwo Sahro Samatar ay sheegtay in golaha Wasiiradu ansixiyeen qorshahan lagu dabar goynayo Gudniinka Fircooniga.

Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa iyana khudbado ka jeediyay shirka, iyagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in Nabadda laga shaqeeyo.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo goobta ka hadlay ayaa xusay in nabadda ay muhiimad u leedahay dalka Soomaaliya, maadaama dalku soo maray dhibaatooyin ka dhashay dagaalo sokeeye oo dhiig badana ku daatay.

“Nabadda annagaa ku nool ee iyadu naguma noola, waana muhiim in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in ay ka shaqeynayaan sidii ay dhalinyaradu fursad ugu heli laheyd ka qeybgalka siyaasada iyo hogaanka sare ee hay’addaha dalka.

Munaasabadan ayaa ku soo beegantay, iyadoo magaalada Muqdisho uu shir wada tashi uga socdo Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada, kaasoo lagu wado in maanta laga soo saaro war murtiyeed.

unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)
unnamed (9)Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here