Daawo:Odey 84 jir ah oo Muslim ah oo 86 xaas qaba iyo qiilka uu u sameystay oo yaab leh

0
244

Abuja(INO)- Maxamed Bolow, waa 84 jir u dhashey Dalka Nigeria, waxa uuna qabaa 86 xaas, kuwaasoo u dhaley 150 carruur ah.

mohammed-bello

Ninkan oo qisadiisu soo caan baxdey dhowr sano ka hor ayaa markale qalalaaso iyo muran diimeed ka dhex abuuray Muslimiinta dalka Nigeria oo kor u dhaafaya 70 Milyan.

Muslimiinta Nigeria ayaa ka mudaharaadey falkan diinta islaamka ka baxsan ee uu Maxamed Bolow ku kacey, balse Maxamed Bolow oo difaacaya falkiisa ayaa yiri ”Waxaan ku adkeysanayaa 86-deyda xaas, allah ayaa ii keenay, haddii aan ku iraahdo iska baxa, ma iga tegi doonaan” ayuu yiri Maxamed Bolow oo muujinaya jaceylka ay u qabaan xaasaskiisa 86-da ah.

Isagoo sii wata qiil u raadsiga falkiisan yaabka leh ayuu intaas sii raaciyay ”Allaah waxa uu yiri in Ninku guursan karo, hal, labo, seddex illaa iyo afar xaas ugu badnaan, laakiin markii uu ilaaheey amar bixinayo, waa inuu sharraxaa ciqaabta uu mudan doono qofkii ka gudba xadka alle u dhigay, balse kiiskan allah ma uusan xusin wax ciqaab ah oo uu mudanayo qofkii ku talax taga oo guurkiisa dhaafsiiya afar xaas”


Idale News Online, Abuja

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here