Daawo:“Nin Soomaali Maraykan ah oo iska tarxiilayay Dalka Mareykanka oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Minneapolis”!!

0
296

MN(INO)-Booliiska dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen nin Soomaali ah oo sheegay inuu asagu uu iskiisa isaga tarxiilaaya dalka Mareykanka ka dib markii ninkaas ay ku qabteen garoonka diyaaradaha Minneapolis-St. Paul International Airport xilli uu damacsanaa inuu ninkaasiu uu halkaas kaga dhoofo baasaboor been abuur ah.

Ninkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Zaki Maxammed Sugule oo 39 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ay ku dhigeen booliiska garoonka diyaaradaha ee lagu magacaabo Minneapolis-St. Paul International Airport xilli uu ninkaasi uudamacsanaa inuu ka dhoofo garoonkaas, Ninkaas ayaa waxaa ay wararku sheegayaan inuu watey baasaboor faalso ah ama been abuur ah oo uu damacsnaa inuu kaga dhoofo dalkaas Mareykanka iyo tigidh GO ah ama bixid oo kaliye ah iyadoona uu ninkaas u sheegay booliiska inuu asagu uu iskiis isaga musaafurinaayo dalka Mareykanka oo uuna ku sii jeedo dalkiisa Hooyo ee Soomaaliya, laakiin booliis dalkaas Mareykanka ayaa arintaas shaki weyn ka muujiyey iyo ujeedka socdaalkiisa ee ninkaas Soomaaliyeed ka dib markii ay ninkaas jeebkiisa ka heleen cinwaano iyo magacyo dad xiriir uu kula lahaa dalka Siiriya iyadoona ay arintaas keentay in looga shakiyey inuu u safraayey inuu ku biiro jihaadka kooxda ISIS ama Alshabaab

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas Soomaaliyeed xabsiga la dhigay ayaa Soomaalida ku nool gobolkaas oo ninkaas ku taqaanay inuu ahaa nin Sarqaan ah oo dhibaato badana ku haayey dadka degaanka islamarkaana ay in ka badan ilaa 40 jeer ay booliiska magaalada xabsig dhigeen ayaa waxay shaki ka muujiyeen inuu ninkaas uu u socday jihaad, Ninkaan oo markii la qabtey ka dib ay maxkamad ay ku xukuntey sanad iyo bar xarig ah dacwooyin hore loogu heystay oo taagnaa awgeed ayaa waxaa uu booliiska garoonka diyaaradaha u sheegay inuu soo noqon doono marka uu ka soo baxo xabsiga.

Idale News Online, MN, USA.