Toronto(INO) — AXMED Xuseen oo u tartamayay xisbiga Liberal ayaa noqonaya muwaadinkii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed oo ku guuleysta taariikhda doorashooyinka baarlamaanka dalka Canada, iyadoo laga soo doortay xaafadda York South-Weston ee magaalada Toronto.
Axmed ayaa ka adkaaday murashaxii laga soo dooran jiray xaafadda laga soo doortay oo lagu magacaabo Mike Sullivan oo ka tirsanaa xisbiga NDP. Inkastoo ay hareen labadii murashax ee kale ee Soomaalida ahaa ee tartanka ka qayb-qaadanayay.
Soomaalida ku nool Canada ayaa aad ugu riyaaqay doorashada Axmed Xuseen, iyagoo u arkaya guusha Axmed inay saldhig u tahay inay cod ku yeelanayaan baarlamaanka dalka Canada markii ugu horreysay taariikhda dalka Canada.
“Tani waa guul-weyn oo u soo hoyatay Somalida-Canada ku nool, waana maalin aan xusuusan doonno,” ayuu yiri Mahad Shaafici oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Ottawa.
Xisbiga Conservative-ka oo doorashooyinka looga guuleystay ayaa wuxuu ahaa xisbi aad uga soo horjeeda qoxootiga, isagoo soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin in dhallashada laga qaado qofkii lagu helo inuu faraha kula jiro arrimo argagaxiso.
Sidoo kale, xisbiga Conservative-ka ayaa wuxuu kasoo horjeestay niqaabka ay xirtaan haweenka muslimiinta ah, isagoo ku tilmaamay arrin aan raad ku lahayn Islaamka, tasoo keentay in muslimiin badan ay doorashooyinka Canada ka qayb-qaataan, taasoo la sheegay inay sabab u tahay guul-darrada ku dhacday xisbigii talada dalkaas hayay ee Conservative-ka.
Xisbiyada NDP iyo Liberal ayaa aad uga soo horjeestay go’aanka Conservative-ku uu ku diday niqaabka ay haweenka Islaamku ay qaataan, iyagoo xusay inay tani ay tahay arrin fool-xun oo ka dhan ah haweenka muslimiinta.
Doorashooyinka baarlamaanka dalka Canada ayaa waxaa 185-kursi oo ka mid ah kuraasta baarlmaaanka dalkaas ku guuleystay xisbiga Liberal-ka oo uu ka tirsan yahay Axmed Xuseen oo ah Soomaaliga ku guuleystay doorashada dalka Canada markii ugu horreysay.
Nasiib-darro laba murashax oo kale oo Soomaali ah oo kala ah; Faisal Hassan oo u tartamayay xisbiga NDP iyo Abdi Abdul oo u tartamayay Conservative ayaa ku guul-dareystay doorashada baarlamaanka dalka Canada ee shalay dhacday.
Ugu dambeyn, Axmed Xuseen ayaa ku dhashay kuna barbaaray Somalia, isagoo dalka Canada galay sannadkii 1993-kii, isagoo waxbarashadiisa Jaamacadeed ku dhameystay Jaamacadda Ottawa, waana qareen wuxuuna ahaa qof bulshada si aad ah uga dhex-muuqday isagoo madax kasoo noqday ururka bulshada Soomaalida Canada ee Somali Community Organization.
Idale News Online, Toronto, Canada