Daawo:Midowga Afrika oo sheegay in Gacan Wax-tar leh uu ka geysanayo Doorashada Dalka

0
313

Muqdisho(INO) — Guddiga Qiimeynta Doorashooyinka 2016-ka ee Somalia ee dhawaan Muqdisho booqashada ku yimid oo soo gaba-gabeeyay safarkooda, ayaa sheegay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in uu Gacan ka geysto Geeddi-socodka Hannaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Doorashooyinka la filayo inay daba-yaaqada sannadkan lagu jiro ka dhacaan Soomaaliya.

Guddigan oo afar xubnood ka koobnaa, ayaa booqashada oo ahayd laba maalmood soo gaba-gabeeyay Talaadadii shalay, iyagoo sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay gacan siin doonaan Shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya sugidda Amniga doorashooyinka dalka ee 2016-ka.

“Xaaladda Soomaaliya waxay u baahan tahay in AMISOM ay kordhiso taageeradeeda Geeddi-socodka Siyaasadda dalka. Waxaan xaqiijinaynaa in Cidamada AMISOM ay Dhul ballaaran gaareen… inkastoo xaaladaha amni ee dalka ay u baahan tahay in intaan laga sii xoojiyo. Isku soo duuboo amniga Somalia wuxuu u baahan yahay in dhanka siyaasadda laga taageero, isla markaana ay AMISOM taageeradeeda arrintaan kordhiso,” ayuu Olabisi Dare oo ah madaxa wafdigan uu u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale, Olabisi – ayaa sheegay in 54-waddan ee Midowga Afrika ay ka taageeri doonaan Somalia doorashada kaddib Xoojinta Hay’adaha Dowliga ah iyo Hannaanka Federaaliisim-ka Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an inaan taageerno qorshaha doorashooyinka Sannadkaan ee Somalia, intaas kaddibna waxaanu doonaynaa inaan gacan ka geysanno xoojinta awoodaha Hay’adaha dowliga ah, Taasoo dalka u ogolaanaysa inuu awood u yeesho inuu iskiis isku-taago,” ayuu hadalkiisa ku daray Olabisi Dare.

Xubnaha Wadfigan, ayaa intii ay booqashada ku joogeen Muqdisho, waxay la kulmeen; Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha AMISOM, Bulshada Rayidka ah, Wakiilada Xisbiyada Siyaasadda, Guddiga Federaalka ee Doorashooyinka dalka, ku xigeenka Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Somalia, Raisedon Zenenga iyo kooxda taageerada doorashooyinka Somalia ee UNSOM.

“Dhab ahaan, Haddii aysan AMISOM gaari lahayn Dhulka haatan ku jira gacanteenna, Waxaa xaqiiqo ah inaanu suuro-galeen Geeddi-socodka Siyaasadda ee hadda Somalia ka socda iyo ammaan nagu filan oo hawshan lagu qaban karo,” ayuu yiri Raisedon Zenenga oo Xubnaha Guddiga Midowga Afrika ee Qiimeynta Doorashooyinka Somalia la hadlayay.

Ugu dambeyn, Guddiga ka socday Ururka Midowga Afrika ee Qiimeynta Doorashooyinka 2016-ka ka dhici doona Soomaaliya, ayaa sheegay in Warbixintooda ay Hor-dhigayaan madaxda Ururka Midowga Afrika, kuwaasoo ay xuseen inay go’aan ka gaari doonaan Wakhtiga Kormeerayaasha Doorashooyinka Bisha Ogoosto ee Soomaaliya lasoo diri doono Waddanka

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay