Daawo:Maxay ka wada hadleen Ergeyga Qaramada Midoobey iyo Madaxweynaha Somaliland

0
224
Hargeysa(INO)— Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Micheal Keating oo shalay booqashadii u horeysay ku tagay magaalada Hargeysa, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay dhamaadkii sanadkii hore ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Ergeyga Qaramada Midoobey oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Arrimaha siyaasada, dimoqraadiyada iyo xaalada abaaraha

Micheal Keating ayaa ammaanay horumarka ka jira Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland ay kala shaqeynayaan adeegyada bulshada, xaalada abaaraha, dhaqaalaha iyo doorashooyinka ka dhaca sanadka 2017.

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa booqday Seyladda Xoolaha Hargeysa, Wasaaradda Deegaanka iyo goobo kale oo ka mid ah xarumaha Maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka wada hadleen ergeyga qaramada midoobey is afgarad laga gaaray, isagoo tilmaamay in si gaar ah uga wada hadleen doorashooyinka Somaliland ka dhacaya sanadka soo socda ee 2017.

Keating

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa horay u diiday in magaalada Hargeysa laga furo Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey, iyadoo sheegtay in xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha Siyaasada Somaliland aanu quseyn, balse ay diyaar u tahay in Qaramada Midoobey ay kula macaamisho sida dal madax banaan.

 Idale News Online, Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here