Xuskan ayaa waxaa barbar socdey shirmadaxeed gaar ah oo lagu dhiirigelinayo nabadgelyada adduunka.
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa kulanka ka jeediyay khudbado la xiriira taariikhdii dagaalkii 1aad ee Dunida iyo sida caalamka looga dhalinlahaa nabad waarta.
Waxay madaxdu ka hadleen muhimadda adkeynta nabadgelyada caalamka, iyo in si wadajir ah loogu guntado in laga hortago colaadaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii munaasabadda ay socotey kulamo kooban la yeeshay madaxda caalamka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.
Waxaa kale oo munaasabadda ka hadley khubarro caalami ah oo ku takhasusey taariikhaha caalamka, kuwaasoo ka sheekeeyay sababihii dhaliyey dagaalkii 1aad ee Dunida, iyo khataraha weli caqabadda ku ah nabadgelyada caalamka.Idale News Online, Istanbul