Daawo:Madaxweynaha KGS Oo Sagootiyey Wefdi Sare Oo Ka Socoda Dowlada Taliyaaniga

0
177

Baydhabo(INO)- Wefdi Sare oo Ka Socodey Dowlada Taliyaaniga oo maalmahan dambe ku Sugnaayeen Magaalada Baydhabo  Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa Maanta laga sagootiyey Xarunta Madaxtooyada KGS Ee Baydhabo.

Shariif Xasan Sheekh Aaden, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  hadiyado qaaliya ah oo dhaqanka hambaarsan ku godoonsiiyey Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wefdigan ayaa sida la sheegey doonayaan in Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka Fuliyaan Mashaariic  kala duwan isla markaaana waxay ka qiib qaadanayaan Dhismaha Jaamacadda Koonfur Galbeed Soomaaaliya oo maaalintii shaley la dhagax dhigey taasoo lagu dhisaayo Xaruntii Hore Ee Baidoa College oo dhabarka ku hayso Iskuulka Salaaxudiin.

Ugu dambeynbtii, Dowlada Taliyaaniga ayaa waxay horaantii sanadkan Koonfur Galbeed Soomaaliya ugu deeqdey Radio FM ah oo ku hadla Afka Dowlada Kaasoo hadda si weyn looga dhageysto Magaalada Baydhabo iyo Nawaaxigeed.

Halkan Ka Daawo Sawiro

0102030405060708