Baydhabo(INO)- Maamulka Gobolka Iyo Kan Degmada Baydhabo ayaa Waxay Maanta Xariga Laga Jareen wadada Warsamo dhoos oo dib loo dayactaray .
Munaasabada xariga looga jarayay wadada dib loo dayac tiray ayaa waxaa kasoo qaybgalay gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada Cabdullaahi Cali Watiin, gudoomiyaha gobolka Bay Cabdirashiid Cabdullaahi, gudoomiyaha xaafada Horseed iyo masuuliyiin ka socotay hay’ada AVORD oo fulisay mashruuca dib loogu dayactirayay wadada.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo