Daawo:Kulankii Qorayaasha Soomaaliyeed Ee Lagu Qabtay Dalka Finland‏

0
320

Helsinki(INO)-Waxaa 3dii maalmood ee ugu dambeysay ee toddobaadkan ka socday magaalooyinka Helsinki, Turku & Pasila ee dalka Finland kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed ee sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalkaasi, waxaana sanadkan ka soo qeybgalay qoreyaal ka kala yimid dalalka Ingiriiska, Talyaaniga & Canada.

Waxaa maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland carwo buugeedkii sanadkii 9aad. Kulankan waa bandhigga ugu weyn uguna fac weyn ee ka dhaca qaaradda Europe. Bandhiggan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya shirkadda daabacaadda buugaagta ee Xildhiban Publications & maktabadda magaalada Helsinki..

Sidoo kale waxaa isna hadal soo dhaweyn & mahadnaq ballaaran ka jeediyay goobtaasi Xildhibaan C/raxmaan Max’ud Cali “JIIMI” oo mudane laga soo doortay deegaanka Espoo, ahna qabanqaabiyeyaasha joogtada ah ee barnaamijkan.

Haddaba muddadii uu socday kulankan waxaa ugu horreyn hadallo qiimo badan ka soo jeediyay Ku xigeenka duqa magaalada Espoo, Sampo Suihko oo isugu ku dheeraaday qiimaha afka Soomaaliga & halgankii dheeraa ee loo soo maray & waajibaadka ruux walba oo Soomaali ah ka saaran horrumarinta & horay u dhiggiisa.

Dhinaca waxaa isna halkaasi ka hadashay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada & Hiddaha dalka Finland Marjo Maenpaa oo iyadana halkaasi ka soo jeedisay in aan wax guul ah ummadi gaari karin haddii aaney illaalinin dhaqankooda & hiddahooda isla markaana ku ammaantay dadka Soomaaliyeed halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo martay waxa dadka Soomaaliyeed ay ku faanaan ee AFKA Soomaaliga, Af Soomaaliguna uu yahay wax aka haray burburkii dowladnimo ee ka dhacay Soomaaliya.

Dr. Max’ed Xassan Alto & Qoraa sare C/casiis Cali Ibrahim “Xildiban” ayaa intii uu socday kulankan ka soo jeediyay taariikhdii Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sheikh Axmed Hilowle “Kaddare” & C/shakuur Mire Aaden oo labadooduba ku geeriyooday magaalaa Muqdisho horraantii sanadan 2015ka. Allaha u naxariisto.

1 (1)1 (2)1 (3)1 (4)1 (5)1 (6)1 (7)1 (8)1 (9)1 (10)1 (11)1 (12)1 (13)1 (14)1 (15)1 (16)1 (17)1 (18)1 (19)

Hanqaastii Qoraa sare
C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”

Idale News Online, Finland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here