Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa soo gaaray wafdi qubaro dhanka amaanka ah oo ka socota dowlada UK kuwaasoo u yimid magaalada sidii ay ugu kuur gali lahaayeen xaaladaha amaan ee ka jira gobolka Bay iyo weliba sidii ay ula kulmi lahaayeen wasaaradaha qaabilsan dhanka amniga iyo ciidamada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada Baydhabo waxaa qaabilay wasiirka hub ka dhigista iyo tababarida maleeshiyooyinka ahna kusimaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Eelaay, wasiirka amniga Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) kuxigeenkiisa Cabdullaahi Farey, taliyaha Booliska Koonfur Galbeed General Ibraahim Macallin Kutub iyo gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada Cabdullaahi Cali Watiin.
Qubarada dhanka amniga ee ka socotay dowlada Ingiriiska iyo masuuliyiinta kale ayaa waxa ay kawada hadleen arimo u badnaa dhanka amniga iyo sidii loo caawini lahaa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed gaar ahaan dhinaca amniga iyo ciidamada.
Ugu dambeyntii, Wafdiga Dowlada UK ahaa ayaa markii ay dhameysteen booqashadooda dib ugu laabtay magaalada Muqdisho oo ay ka deganyihiin safaarada dalka Ingiriisska ee Muqdisho.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo