Daawo:Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay 20 qof oo Sunniyiin ah

0
211

Dhahran(INO)- Dowladda Iran ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay 20 qof oo ay ku sheegtay inay ka tirsanaayeen koox argagixiso oo Sunni ah., kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay fuliyeen weeraro argagixiso.

Xeer ilaaliyaha guud ee Iran Mohamed Jayad Montazari ayaa sheegay in raggaasi lagu helay inay geysteen qaraxyo xiriir ahaa iyo weerarro lagu qaaday deegaanno dadka Kurdiyiinta ee galbeedka dalka Iran, kuwaas oo lagu dilay hoggaamiyeyaal Sunniyiin ah iyo sidoo kale dumar iyo carruur intii u dhaxeysay 2009 iyo 2011-kii.iiraan-daldalaad5
Kooxda xuquuqda aadanaha waxay sheegtay in ugu yaraan mid raggaas ka mid ah xukunka dilka lagu riday kaddib dhowr daqiiqo markii dacwaddiisu socotay.

Qoysaska ragga dilka lagu fuliyay waxaa looga yeeray xabsiga halkaas oo Talaadadii lagu hayay booqashadii ugu dambaysay ee dadkooda ay arkaan. Laakiin waxaa la sheegay inay heleen wicitaan telefoonno intii ay u sii socdeen oo loo sheegay inay qabuuraha aadaan beddelkii ay aaskooda ka tegi lahaayeen. iiraan-daldalaad2
Iran waxay sheegtay in raggaasi ay qayb ka ahaayeen koox argagixiso ah oo Sunniyiin ah loona yaqaan Tawxiid iyo Jihaad, oo ay ku eedeynayso inay weerarro badan ku qaadday galbeedka dalka Iran, oo ay ku jirto dilkii khaarijiska ahaa ee laba hoggaamiye oo Sunniyiin ah.iiraan-daldalaad3
Kooxda reer Iran ah oo xuquuqda aadanaha u doodda waxay sheegtay in habka sharciga ee raggaas la marsiiyay uu aad u khaldanaa. Iran waxay xukun dil ah ku fulisay 250 qof ilaa iyo hadda sanadkan. Sanadkii hore tirada dadka xukunka dilka ah lagu fuliyay dalkaas waxaa lagu qiyaasay kun qof.iiraan-daldalaad   iiraan-daldalaad4