Kismaayo(INO)—Inkabadan 50 maxbuus oo ku xirnaa xabsi ku yaal magaalada Kismaayo ayaa la sii daayay kadib markii madaxweyaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu cafis u fidiyay maxaabiistan.
Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa cafiskan ku sababeeyay fadliga tobanka dambe ee bisha Ramadaan in uu u sameeyay isagoo ka codsaday maxaabiista inay ka waantoobaan dambiyada lagu soo xirey.
Maxaabiistaan oo markii hore galay dambiyo fud-fudud ayaa ayaa waxay ka mahadceliyeen cafiska loo fidiyey bisha Ramadaan.
Maamulka Jubba ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan cafis u fidiya maxaabiista aan dambiyada waaweyn oo haysan.
Xabsiyada ku yaal dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku xiran maxaabiis u badan dhalinyaro kuwaasoo qaarkood aan la geyn maxkamado sharci ah halka kuwa kalana uu ku dhacay xabsiyo kala duwan.
Idale News Online, Kismaayo










