Muqdisho(INO)— Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa fariisimo ka sameystay bar koontaroolo laga soo galo magaalada Muqdisho, kuwaasoo aanay horay u joogin, iyadoo saraakiisha laamaha ammaanka ku tilmaameen mid qeyb ka ah sugida ammaanka Caasimada Muqdisho.
Ciidamada ayaa shalay degay wadooyin ku yaala degmooyinka Yaaqshiid, Dayniile iyo Kaxda oo aan horay laheyn bar koontarool, waxaana ka mid ahaayeen wadooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho, marka laga reebo saddex wado ee waa weyn.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada hay’adda Nabad sugidda ay bara koontarool oo cusub ay ka sameysteen waddooyinka xaafadaha dhexmara ee Muqdisho laga soo galo.
“Waddooyinkan aad u jeedaan ciidamadu waxa ay ka sameysteen bara koontarool, oo u jeedku yahay in la ogaado gaadiidka sida waddooyinka rasmiga ah uga soo dhuumanaya iyo sababta keentay in ay u soo gooyaan koontaroolada magaalada laga soo galo ee raba inay si sharci darro ah u hareer maraan waddooyinka ay ciidanku ku suganyihiin, ciidankan habeen iyo maalin waxa ay diyaar u yihiin xaqiijinta amniga” ayuu yiir Afhayeenka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaadiidka qaraxyada ka geysta Muqdisho ay mar walba hareer maran baraha koontarool ee ay degan yihiin Ciidamada, isagoo intaa ku daray in gaadiidkii soo mara wadooyinka qarda-jeexa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Ciidamada ammaanka ayaa horay baro ciidan ku lahaa Koontaroolada Ex Koontarool Balcad, kan Afgooye iyo wadada dhinaca xeebta ee Ceel-Macaan.