Daawo:Dowladda Somalia Oo Lagu Wareejiyay Maxaabiis Ciidanka Liyuu Boolis Ay Ku Qabteen Dagaalki Xuduuda

0
239

Dhusmareeb(INO)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay maxaabiis ciidanka Liyuu Boolis ay ku qabteen dagaaladii ka dhacay xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Ismaamulka Somalida ee dalka Ethiopia.

Maxaabiistaan ayaa waxaa lagu wareejiyay Wafdiga Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia uu hogaaminaayo Mahad Maxamed Salad ee ku sugan Magaalada Jigjiga.

Ilaa shan ruux ayeey gaarayeen maxaabiistaan oo madasha lagu wareejinaayay lagu soo bandhigay, waxaana ka mahadceliyay qaabka maxaabiista loogu soo wareejiyay Masuuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia Mahad Maxamed Salad, ayaa sheegay in heshiiskii lagu kala saxiixday Magaalada Jigjiga uu qayb ka yahay siideynta maxaabiistaan, isaga oo uga mahadceliyay Dowlad deegaanka Somalida dalka Ethiopia qaabka maxaabiistaan loo sii daayay.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa dhankiisa soo dhaweeyay maxaabiista lasii daayay isaga oo sheegay in wixii ka dhacay xuduuda ay ahaayeen wax laga soo gudbay.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Dhusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here