New York(INO)—Meydka ninka ay saaxibada dhow ahaayeen heesaagii caanka ahaa Michael Jackson oo geeriyooday ayaa weli yaal isbitaal ku yaal California iyadoo aysan wax qaraabadiisa ah oo soo doonata si ay u aastaan.
Dr. Arnold Klein, oo dhanka maqaarka ku taqasusay ayaa toddobaadkii hore dhigtey kadib markii uu la dhigay isbitaal isagoo ka cabanayay caloosha.
Sida ay daabacday TMZ toddobaadan jirkan geeriyooday ayay qaraabadiisa awoodin inay aastaan iyadoo labo walaalo ah oo dhakhtarka la dhalatay uu mid kamid ah waalan yahay halka mid kalana uusan haysan lacag uu ku yimaado California isagoo ku nool magaalo kale oo aan la carabaabin.
Maamulka ayaa laga yaabaa in uu oggolaado in Dr Klein saaxibkii lagu warejiyo meydkiisa haddii la waayo wax qoys ah oo u yimaada. Dr Klein ayaa mar ahaa dhakhtarka maqaarka ee Hollywoodka balse waxaa ay walba isbedeleen marka uu geeriyooday Michael Jackson, oo shaqada laga eryay markii uu ka sheekeeyay nolosha gaarka ahayd ee heesaaga.
Sidoo kale Dr Klein ayaa dhowr jeer sheegay in uu yahay aabaha dhabta ah ee dhalay labada ilmo ee ugu waaweyn carruurta Michael ee kala ah Prince iyo Paris.
Sanadkii 2013kii Dr Klein ayaa boggiisa Facebook waxa uu sanadkii 2013 ku soo bandhigay sawir isaga iyo wiilka curadka u ah Michael isagoo sheegaya in uu yahay aabaha dhabta ah ee Prince.
Michael waxa uu la kulmay hooyada dhashay Prince oo la yiraahdo Debbie Rowe iyadoo u ah kalkaaliso dhakhtar Klein. Prince ayaa ka jawaabay wararka la isla dhex marayay saacado kahor inta uusan geeriyoon Dr Klein waxana uu boggiisa twitterka loogu qoray in uusan ahayn wiilka Jackson balse uu yahay wiil ay dhaleen Rowe-Klein.
Hase yeeshee wiilkan ayaa ku jawaabay; ‘Xiriirka dhiiga waxa uu ka qafiifsan yahay biyaha ilmo galeenka ku jira, waxaa I soo koriyay aabahay waxaana aan la soo barbaaray wiilal iyo gabdho aan walaalo nahay.’
Klein ayaa bilaabay daweynta Michael sanadkii 1983dii dhowr bilood kahor markii uu heesaaga u baahday in qalliin weyn loogaga sameeyo wajiga kadib markii timihiisa ay ku gubteen isagoo u sameynaya filim ganacsi shirkada Pepsi.
Dhakhtarkan ayaa baaritaan culus lagu sameeyay kadib geeridii Jackson waxana la sheegay in uu ku duray heesaaga daawada loo yaqaan Demerol 51 jeer muddo saddex bilood gudahood ah waxana sidoo kale lagu eedeeyay in uu u qoray dawada loo yaqaan propofol.
Xaaskii Micheal ayaa sheegtay sanadii 2013 in Klein uusan siin jirin dawada u wanaagsan Micheal Jackson. Inyar kadib markii uu geeriyooday Michael Klein waxa uu sheegay in uu qorsheynayay in uu dacwad ku oogo Micheal isagoo ku dacwoonaya in labada carruur ee ugu waaweyn Micheal ay yihiin carruurtiisa.