Baydhabo(INO)-Bukaanka jiifa Cusbitaalka Magaalada Baydhabo oo Maanta lasiiyey Qofkiiba lacag dhan 100$ (Boqol doolar) Tirada guud ee lasiiyey waxay dhan yihiin 100 qofood oo Bukaan ah , Shirkada hormuud ayaa Mar waliba Gaarsiiya Bukaanada Jiifa Cusbitaalka Degmada Baydhabo Taakuleyn Dhaqaale iyo Qalab Caafimaad . Lacagta guud ahaan oo maanta la qaybiyey waxay dhameyd Toban kun oo Dollar.
Lacagtaas ayaa waxaa soo dhiibey Maamulaha Shirkada Hormuud ee gobalada Baay Sheekh Aadan Xuseen Cabdiraxmaan iyadoo ay ka hadleyn Agaasimaha Cusbitaalka Gobalka Baay Cabdi fataax ibraahim xaashi gaabow ayaa Amaaney Shirkada Hormuud oo Mar waliba ka qayb qaadata Taakuleynta dadka bukaan ee aan haysanin wax dhaqaale ah , Agaasimaha ayaa sheegey in Shirkada hormuud Ay Mar waliba u taagan tahay Taakuleynta Dadka Tabaaleysan ee kujira Cusbitaalka Magaalada Baydhabo.
Waxaa Lacagtaasi Gudoonsiinayey Bukaanka Madaxa Suuqgeynta Shirkada Hormuud Cabaas Shariif Cumar Iyadoo ay lasocdeen injineer Geney iyo Ibraahin Abuukar oo kamid ah shaqaalaha sare ee Hormuud.
Halkan Ka Dhageyso.
Xiligan Hada Lagu jira ee bisha ramadaan ayaa waxaa Magaalada kasocda Taakuleyn kala duwan oo ay Bixinayaan Shirkada , Ganacsatada iyo Qurbo joogta , kuwasoo Buuxinaya kaalintii Hayadaha Samafalka iyo Dolwlada Gobaleedyada iyo Dowlada dhexe.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo