Sydney(INO)-Waxaa dalka Australia ka dhascay bannaanbax balaaran oo looga soo horjeedo gabadhii Somaliyeed ee laga celiyay dalka Australia, taasoo siyaabooyin kala duwan kaga dhacay magaalooyinka Sydney iyo Melbourne ee dalkaasi. Abyan ayaa waxaa lagu xoogay Jaziirad ay dowladda Australia isugu gayso dadka qaxootiga ah ee Sharciga Sugaya, iyadoo sheegtay in niman u dhashay Jaziiradda Nauru ay ku xoogeen meel Boholo ah.
Bannaanbaxayaasha, ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin “Hala soo celiyo Abyan, hala xiro xeryaha ka furan Jazeeradaha Nauru iyo Manus, ma noqon doono kuwo aamusan iyo ereyo kale.”
Hormuudkii bannaanbaxayaasha, ayaa waxay Ra’iisal Wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull ugu baaqeen inuu isku xishoodo, isla-markaana uu ka shaqeeyo sidii gabadhaasi dib loogu soo celin lahaa Australia.
![]() Qoraal ay soo saartay Abyan ayna heshay Warbaahinta Australia, ayaa waxay si weyn uga hortimid inay diiday in ilmaha uurkeeda ku jira laga soo rido, iyadoo dhinaca kalana sheegtay in loo diiday inay aragto wax qareeno ah.
Qoraalka, ayaa waxay ku sheegtay inaanay arkin wax dhakhaatiir ah oo kala taliya, sidii ay ilmaha isaga soo tuuri laheyd, maadaama ay Australia u tagtey daryeel caafimaad.
![]() ![]() |
|
Idale News Online, Sydney |
Home Idale Somali News Update Daawo:Banaanbax Balaaran Oo Loo Sameeyay Gabadhii soomaalida Ee Lagu Kufsaday Jasiiradda Nauru