Muqdisho(INO)-maalmo un ka hor uu Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf ku dhawaaqay in Maamulkiisa uu dib usoo celin doono qaadista Canshuuraha ayaa waxaa arrintaasi taageeray Xildhibaan ka tirsan BFS.
Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo kamid ah Mudanayaasha sida aadka ah uga faalooda Siyaasada Somalia, ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay Dowlada Hoose u leedahay qaadista lacagaha Canshuurta.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uusan shaqeyn karin haddii aan la helin lacagaha kasoo xarooda Canshuurta waxa uuna Tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay bixiyaan lacagahaasi.
Wuxuu carab dhabay inay jiraan Canshuur laga qaado shacabka balse aan loo jarin wax boono cadeyn u ah in lacagtaasi laga qaaday, waxa uuna taasi ku sheegay mid Maamulka looga baahan yahay inay xal u helaan.
Xildhibaanka ayaa ka digay in Maamulka Gobolka uu ku tagri fallo lacagahaasi canshuurta ah, waxa uuna ku taliyay in loo maareeyo si sharciga waafaqsan.
Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socto howlo canshuur uruurin ah, inkastoo lacagahaasi canshuurta ah aysan ku dhicin qasnada DFS.