Daawo: Xildhibaano Ka Tirsan BKGS Iyo Musharax Shariif Xasan Oo Kullan Xasaasi Ah Ku Dhexmarey Muqdisho

0
193

Baydhabo(INO)- Kallan Deg deg ah ayaa Maanta waxa Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka ku dhexmarey Xildhibaano Ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Kullanka ayaa looga hadley arimo dhowr ah isla markaana waxa ugu qiimsanaa, Xasrada Huursan iyo Mucaaradka ka dhex dilaacey Gudaha Baarlamanka Dowlad Gobloleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee diyaarinaya Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan, iyadoona Shaley Qaar ka mid ah Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka KGS  ay Ku Eedayeen Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden ahna Madaxweynaha KGS dhowris la’aanta Dastuurka, Wax qabad la’aan, Safaro aan kala Joogsi lahayn, Ku tagri falka Dhaqaallaha Degaanada KGS iyo Ka hadal la’aanta Arimaha Bini’aadanimada Ee Taagan KGS Soomaaliya.

Xildhibaanadaas ayaa ugu baaqeen Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya in laga joojiyo Musharaxnimada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxayna sheegay in Shariif uu ku fashilmay hogaaminta Koonfur Galbeed ,islamarkaana aysan suurta gal aheyn in uu u tartamo Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada Taagyeersan Siyaasada Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa kullanka Maanta ka sheegeen in aysan waxba ka jirin eedeymaha Loo soo jeediyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyagoona Sidoo kale Xuseen in mudadii 2 sano ee uu xilka uu haayey wax yaabo badan u qabtey Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudanayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya EeTaagyeersan Shariif Xasan ayaa sidoo kale sii diira galiyey Musharaxnimadiisa.

Ugu dambeyntii, Horay ayaa Wasiiro iyo sidoo kale Aqoonyahano kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u sheegay in Shariif uu ku fashilmay hogaanka  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Daaawo SAWIRO