Kismaayo (INO) – Xildhibaan Maxamed Rashiid Sheikh Daahir, kana mid ah xildhibaanada dowlada federaalka Somalia, haatana olole balaaran ugu jira sidii mar kale dib loogu soo dooran lahaa ayaa gaarey magaalada xarunta KMG ee Maamulka Jubaland ee Kismaayo. Xildhibaanka ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Kismaayo waxa uu ka hadlay ujeedka safarkiisa Jubaland, waxuuna sheegay in uu yimid deegaankii uu ka soo jeeday ee laga soo doortay markiisa hore.
Xildh Max’ed Rashiid Sh Daahir ayaa mar uu ka hadlaayey horumarka dhinacyada kala duwan ah ee ka jira Jubbaland ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay nabadgelyada iyo horumarada ay ku talaabsatay Jubbaland iyo bilicda ma muuqada Kismaayo.
Imaanshaha Kismaayo ee Xildhibaan Maxamed Rashiid Sheikh Daahir ayaa ku soo aadeysa xilli maalmo kooban ay ka harsan yihiin jiritaanka barlamaanka haatan jira isla markaana la guda galay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka cusub.
Xidhibaan Maxamed Rashiid ayaa Kismaayo u yimid sidii uu u heli lahaa taageero iyo olole ku aadan in mar kale dib loo soo doorto, waxaana labada xubnood ee beesha uu ka soo jeedo ee Yantaar/Mirifle loo kala qeybiyey maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Waxuu Xildhibaan Rashiid sheegay in tartan ugu jiro kursiga beeshiisa ee Jubooyinka iyo Gedo.
Idale News ONline, Kismaayo, Jubaland, Somalia