Daawo: Xasuuqii Wagalla ee 1984 Ciidamada Kenya ka gaysteen Degmada Wajeer oo TV-ga Citizen barnaamij ka diyaariyey

0
356

In ka badan 5000 oo Soomaalida dalka Kenya ayaa lagu xasuuqay Gudaha wadanka Kenya gaar ahaan degmada Wajeer,waxaan halkaasi xasuuq baahsan ka geystay ciidamada dawladda Kenya kuwaasi oo hal meel ku wada xasuuqay in ka badan 5000 oo ruux oo isgu jiray Caruur, Haween, Dhalinyaro & Waayeel.


Shacabkaas Soomaaliyeed ee la xasuuqay ma jiraan cid soo hadal qaaday isla markaasna dib u xustay amase ka dhiidhidday xasuuqa loo geystey walaalahoodii ay jecelaayeen balse dadka la xasuuqay qaar ka mid ah eheladoodu waxa dareenka iyo jiritaankoodu noqday inay ciidamada dawladda kiiniya ay u soo hogaamiyaan gudaha dalka Soomaaliya isla markaasna xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed ee dhulkooda ku sugan.

Ugu dambeyntii Barnaamij uu sii dayay Tv-ga Citizen ee Dalka Kenya ayaa muujinaya Xasuuqii ka dhacay Wagalla Sanadkii 1984 kaas oo lagu laayay Soomaali kor u dhaafaysa 5000 oo qofood halmaalin gudaheed kuwaasi oo kuwii ay awoowayaasha iyo Aabayaasha u ahayeen ay hor doobayaan ciidamada dawlada kiiniya ee dhibaatada ka wada gudaha Soomaaliya.

wagallaMassacre

Idale News Online