Daawo: Xasan Sheekh”Shisheeye nooma sameyn karo Siyaasada aan dalkeena ku hageyno “

0
225

Muqdisho(INO) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka Qayb-galay Munaasabaddii caleema saarka Madaxweynaha Jubba oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa jeediyay khdubad dhinacyo badan taabanaysa.

Khudbadda ayuu Xasan Sheekh ku sheegeay in barnaamijka baahinta xukunka ee dalka ka socda uu yahay nidaam ay Soomaalida ku wada-heshiiyeen, loona baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo, maadaama uu yahay hab siyaasadeed ku cusub dalka.

“Dagaalkii sokeeye iyo fowdada way ka dhammaadeen Soomaaliya. Kala Aragti duwanaansho kasta oo dhacda waxaa lagu xalin karaa wadahadal, waana mahad Ilaahay inaan ka soo gudubney waqtigii xoogga iyo colaadda wax lagu raadin jirey. Waxaan ku jirnaa marxalad siyaasadeed iyo dowlad dhisid. Marxaladda noocaasi ahna waxaa barbar socota cabasho, tabasho, cabsi iyo is riix riix siyaasadeed. Waa inaan naceybka iyo colaadda ku bedelnaa in nabad la dhaliyo, is jaceylna la dhex dhigo bulshada,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in loo baahan yahay in wax laga barto khaladaadkii hore u dhacay, Soomaaliyana loo abuuraa mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan.

“Khibrad badan ayaa laga bartaa khaladaadkii hore u dhacay. Shacabkeenu uma baahna in dhegahooda lagu shubo naceyb iyo cabsi. Haddii ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhexeysa madaxda waa in lagu xaliyaa goobaha loogu talagaley. Sax ma ahan in goob fagaare ah amaba warbaahinta la soo dhex dhigo hadalo dadka kicin kara, kuna celin kara rajo beel iyo colaad hor leh oo aan loo baahneyn,’’ ayuu yiri Xasan mar kale yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ay sii socon doonto, loona baahan yahay in dowladnimada sii xoogeysanaysa la aamino si horey loogu sii dhaqaaqo.

“Shisheeye nooma sameyn karto Siyaasadda aan Dalkeena ku hageyno. Beesha caalamka taageero badan ayay ina siisey. Waddamada deriska iyo Afrika inteeda kale waxay nagu deeqeen wiilashooda iyo gabdhahooda si ay dib u soo celinta nabadda inoo gala shaqeeyaan, waana ka mahad-celineynaa. Haddaanu nahay Madaxdii Qaranka, waxaan na soo doortay shacabka, waxaana na laga doonayaa inaan si hufan ugu adeegno, isla markaana aan dejino qorshe siyaasadeedkii waddankan lagu hagi lahaa inagoo shacabka kaashaneyna’’.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku booriyey dhammaan Shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is-qabsadaan, kana shaqeeyaan in dalka la nabadeeyo horumarna la gaarsiiyo, isagoo intaa ku darey in loo baahan yahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa meel ka wanaagsan halka uu maanta marayo.

Ugu dambeyn, Xafladda waxaa Goobjoog ka ahaa, hadalanna ka jeediyay RW-ha Somalia, Cumar Cabdirashiid, madaxda maamullada Koonfur-galbeed, Galmudug, Puntland, Jubba, Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM, Nicholas Kay, Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Itoobiya, Tedros Adhanom, Urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Danjireyaal, Dublamaasiyiin, Xubnaha labada gole ee Somalia, Wakiillo ka socday Kenya iyo xubno kale.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here