MN(INO)-Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee gobolka Minisota ayaa waxay Xafad Sogootin ah u sameeyey, RW hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi weli Sheekh Axmed Maxamed haatanse ah gudoomiyaha Madasha Midnimadda iyo Dimoqraadiyada Soomaaliya, isagoona maalmahaan ku sugnaa dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka ay Soomaalida ugu badan tahay ee Minnesota..
Xafladda sogootin ah oo ay soo qabanqaabiyeen fanaaniinta iyo abwaanada gobolka Minnesota laguna macsalaameynaayey ra’iisul wasaarahii hore Abdiwali waxaa ay ka dhacdey hoolka Safari, oo ku yaala magaalada Minneapolis.
Abwaaniinta iyo fanaaniinta halkaas wacdaraha ka dhigay ayaa waxaa ka mid ah heesaaga weyn Axmed Cali Cigaal, Fanaanada Sahro Cumar Dhuule, C/risaaq Iskalaaji, Abwaan Maxamed Jaamac Gaceyte, Abwaanka kooxda Qeylo dhaan Ciyaar-Jecel, iyo abwaaniin badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin.
Xafladda Sogootinta wax ka hadley, aqoonyahano iyo siyaasiin ku dhaqan Gobolka Minnesota, kuwaasoo Ku amaaneyna RW hore ee soomaaliya dadaalkiisi uu ka geystey xasiloonida Soomaaliya mudadii uu xilka haayey, waxaana uGu dambeyntii halkaas hadal ka jeediyey Ra’iisul Wasaarihii hore C/weli Sheikh oo isaga reer Minnesota uga mahadceliyey kaalintooda lama iloobaanka ah ee dhinacyada arrimaha bulshada, dhaqaalaha, ka qeybqaashada howlada soo dhoweynta iyo nabadeynta dalka. Waxuuna Ra’iisul wasaaruhu ka codsadey reer Minnesot iney taageeraan kacdoonka ay kaga soo horjeedaan in dowlad ku guuldareysatey waxay ay umadeeda gaarsiiso oo ah doorasho ny muddada loo kordhiyo. doorashada dalka ka dhacdana ay tahay xalka kaliya oo dowlad waarta lagu gaari karo.
Ra’iisul ayaa manta oo sabti ah u kicitimi doonta gobolka labaad ee Soomaalida uGu badan tahay ee Ohio, gaar ahaan Magaalada Columbus, halkaasi oo isla habeenka Sabtida uu dadweynaha reer Ohio uu gaarsiin doono fariinta kacdoonka Madasha uu gudoomiyaha ka yahay ee lagu diidan yahay in dowladda hadda jirto lagu abaal mariyo waxii ay ku fashilantay ee ah in 2016 dalka ay doorasho ka dhacdo.
Halkan Ka Daawo.