Daawo: Wasiiro Ka Tirsan KGS Oo Tababar U Soo Xirey 206 Ardey Oo Bartey Xirfado Kala Gedisan

0
266

Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay,ayaa 206 Ardey oo muddo baranayay tababar ku aadan Dawaarka, Farsamada Alaabta Guryaha, Midabeynta Dharka iyo Maareynta Ganacsiga ayaa maanta loogu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhaba Janaay.

Tababarkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro  katirsan Dowladda KG Soomaaliya, kan Gobolka Bay iyo midka Degmada Baydhaba oo uu hor kacayay Gudoomiyaha Degmada Baydhaba Xasan Macalin Biikole isagoo sheegay in Ardey la baray xirfado ay ku shaqeystaan si ay noloshooda ugu maareeyaan aqoonta la baray.

Aadan Xasan Maxamed Usama oo ah Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Saadaad Maxamed Nuur Caliyow Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Barbaarinta Ee KG Soomaaliya  ayaa si isku mid ah u sheegay in tababarka wax weyn kusoo kordhin doono nolosha dadka maadaama ay aqoon kororsadeen.

Mashruuca Tababarka waxaa Maalgaliyey Hay’da IOM

196256432 Cali Ilyaas Cabdiahi Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here