Daawo: Wasiiro Ka Tirsan Dowladda KGS Oo Gaarey Degaanka Jaziira Ee G/Sh/Hoose

0
275

Jaziira(INO)-Wasiiro Ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Hawlo kormeer ah ku tageen degaanka Jaziira Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

adan iyo sata

Wasiiradda Waxaa ku wehelinayey  Hawlaha Koormeerka Maamulka Shabellaha Hoose iyo kan degmada Afgooye, iyagoona u kuur galayey, Xaalada Amaan iyo Mida Bini’aadanimo ee Ka jirta Ee Degaanka Jaziira Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaan Barxada Weyn ee Degaankaasi Ku Soo dhaweeyey, Boqolaal Shacab ah oo ku dhaqan Degaanka Jaziira Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadley Gudoomiyaha Cusub ee Degaanka Jaziira C/Casiir Xaaji Cali Nuur ayaa si diiran u soo dhaweeyey  Wasiiradda KGS.

” Shacabka Degaanka Jaziira Maanta Aad ayey u faraxsan yihiin, waxay haleen Xaquuqdooda Gudoomiyenimo  25 ka dib, annguna Mas’uuliyad Culus Ayaa Nasaaran, Culumada,dhalanyarada iyo dhamaan dadka Degaanka waxaan rabnaa in aan wada Shaqeyn yeelano, Si horumar Loo gaarsiyo Degaanka Jaziira, Dadka JaziiraWaxay u badan yihiin dad Kaluumeysta ah, xilli Bad-xiran ah ayaa lagu jiraa, dadka kaluumeystada ah ee hadda tabaaleysan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan Ka Codsaneynaa Inay Gargaar Soo gaarsiso” ayuu yiri C/Casiis Xaaji Cali Nuur.

Gudoomiye ku Xigeenka Dhanka Amaanka ee Gobolka Shabellaha Hoose, ahna Ku siamaha Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Cali Nuur Maxamed  ayaa u mahadceliyey Boqolaalka shacabka ah ee isku soo baxay Soo dhaweynta Wasiiradda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/raxmaan Ibraahim Aadan Sata, Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowldaha Hoose ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka mid ahaa wasiiradda Gaarey Degaanka Jaziira ayaa Ugu baaqey Shacabka Degaanka Jaziira inay La Shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub oo Dhawaan Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Dowladda Hoose ee KGS ay Magacawdey.

“Waxaan rajeyneynaa inay la shaqeyn doonaan Gudoomiyaha Cusub C/Casiis Xaaji Cali Nuur, si hawshiisa u guto, Gudoomiyaha  Degmada Afgooye iyo Taliyaha Booliska Afgooye waxaan ka codsanaya inay la shaqeeyaan Maamulka Jaziira, Dowladda KGS garabkiina ayey Taagan tahay” ayuu yiri Sata

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Jaziira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here