Nairobi(INO)- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya ugu qiib Galey Shir Looga hadlaayey Arimaha waxbarashadda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Shirkan waxa soo qaban qaabiyey Ururka midowga Yurub isla markaanka waxa Koonfurta Soomaaliya looga Deeqey aduun dhan 30 Million Euro ah.
Wasiirka waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka go’an tahay sidii loo hormarin lahaa waxbarashada KGS arintaas oo uu sheegay inay kamid ahayd balanqaadkiisa.
Waxaa shirkaan lagu casuumay wasiiradda waxbarashadda Ee Maamul goboleedyada Dalka iyo ururo caalami ah oo daneeya arimaha waxbarashada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Global Education partnership.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, Nairobi, Kenya