Daawo: Wasiirka Amniga Ee Dowladda KGS Oo Si Adag Ugu Hadley Weerar Ciidamada NISA Ay Ku Qaadeen Wasiirka Ganacsiga KGS

0
250

Baydhabo (INO)Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa ka dalbatay DF Soomaaliya inay jawaab qeexan ka bixiso Weerar Ciidamada nabad sugida ay ku qaadeen Wasiirka Ganacsiga  iyo Warshadaha ee Dowladda KGS Mudane Cabdullahi Sheekh Xasan oo ku sugan Deegaanka Jazeera, ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Geesey

Wasiirka ammniga Dowladda KGS , Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey ayaa sheegay in uu ka xun yahay in Ciidamada Qaranka loo isticmaalo dano gaar ah islamarkaana lagu weeraro Deegaanka Jasiira  sida uu hadalka u dhigay.

Waa nasiib daro in arrintaani ay dhacdo, iyadoo labada Madaxweyne ee Xassan Sheekh iyo Shariif Xassan ay si wadajir ah ugu wargaliyeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab in xuduudaha Gobolka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay la wareegeen Ciidamada Dowladda KGS ”  Waxaa Sidaas  yiri Cabdifitaax Geeseey.

Gudoomiye Muungaab, ayaa la Ogeysiyey 20kii Bishii Janaayo ee Sanadkan,in degaanka Gobolka Shabellaha Hoose ay ka howlgali doonaan Wasaaradaha Dowladda KGS  iyo Ciidankeeda, Ciidamada Halkaasi Jooga, wasaaradda Amniga Dowladda KGS ayaa halkaasi u dirtey,Shaqaalaha wasaaraddaaha  Ganacsiga iyo Maaliyadda ayaa Shaqo halkaasi ka haaya” ayuu yiri Wasiirka Amniga Dowladda KGS.

Ugu Dambeyntii Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Xalane ayaa  dhankiisa ku eedeeyay Wasiirka Ganacsiga Dowladda Koonfur galbeed Cabdullahi Sheekh Xassan in calanka Dowladda KGS  uu ku suray Deegaan uu sheegay in uu ka tirsan yahay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here