Daawo: Wasaaradda Waxbarashada KGS Oo La Wareegtey Iskuulo

0
174

Baydhabo(INO)- Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ayaa 6 Iskuulo Oo Dugsi sare ah  ku wareejisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Iskuuladan ayaa waxay ku yaallan, Buurhababa, Wanleweyne, Baraawe, Qoryooley, Marko iyo  Xaawo Cabdi oo ka kala  tirsan Gobolada Bay iyo Shabellaha Hoose kuwaasoo Maamulkood horey Gacanta ugu haysay Hay’ada USAID.

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa sheegey in si cadaalad ah ay u maamuli doonaan 6 Iskuul Ee Maanta Lagu wareejiyey Wasaaradiisa.