Baydhabo(INO)-Wasaaradda War- Faafinta iyo Wacyi-galinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta tababar 5 Maal-maalood Soconayey u Soo Xirtey Qaar ka mid ah Fanaaniinta Goboladda KG Soomaaliya.
Waxaana Ka soo Qiib-galey, Munaasabadda Soo Xirraanka tababarka , Wasiiro Ka Tirsan Dowladda KG iyo Odayaasha Dhaqanka Ee Gobolka Bay iyo marti sharaf kale.
Tababarkan ayaa waxa looga Magacdarey, dib u dhiska iyo Qalabeynta Faanaaniinta Goboladda KG Soomaaliya isla markaan waxaa Soo qaban Qaabisey wasaaradda War faafinta iyo Wacyi-galinta Bulshadda Ee KGS oo Kaashaneyso Hay’ada DDG.
Munaasabada oo Hadalo ay ka jeediyeen, Wasiirka War faafinta Ee KGS , Malaaq Xasanow Cumarow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Gabadh ka Mid ahayd Fanaaniinta Da’ada yar ee Ka faa’ideystey Tababarka.
Gabadh ka Mid ah Fanaaniinta Da’da yar ayaa waxay ka hadashey Wax-yabiihii ay ka faa’ideysteen tababarkii 5 maal-mood Ee soconayey.
“Habole Cusub ayaan Dhiseyney 5tan Maal-mood, waxaan u mahadcelinaynaan Wasaaradda War-faafinta Ee Dowladda KGS,wax badan ayaan ka faa’ideysaney tababarka, macalimiin badan ayaa nala joogey oo khibrad leh” ayey tiri Inanta.
” Fanaaniintii Hore way Gaboobeen, Aad ayaan ugu faraxsanahay in faanaaniin Da’ada yar ah oo isugu jira Wiilal iyo gabdho oo loo tababarey Fanaaninimo, waan idin soo dhaweyneynaa, Waxaan idin ku sugeynaa Kaalinta la idin egmadey” ayuu yiri Malaaq Xasanow Cumarow oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Ee Gobolka Bay.
Dhanka kale, waxaa Xaflada Soo Xiritaanka Ka hadley, Wasiirka Wasaaradda War-faafinta iyo Wacyi-galinta Bulshadda ee Dowladd KG Soomaaliya Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed isla markaana waxa uu ku dheeraadey, muhiimada fanta uu uleeyahay, Bulshadda Goboladda KG Soomaaliya.
” Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka soo qiib-galo Xaafladda Xiritaanka Tababarka Fanaaniinta Gobolka Bay, oo hal ku dhigeedu ahaa abaabulida, Isku dabaridka iyo aruurinta Guud ahaan Fanaaniinta Goboladda KG Soomaaliya,Waxaan Is leeyahay, Xilligii loo baahnaa ayuu ku soo beegmey tababarkan iyadoona Dowladda KGS hadda ay jirto 6 Bilood , waxaan ku soo dhex jirney dib u heshiisiin iyo isku dabaridka Hawlaha Guud ee Dowladda KGS”
Ugu dambeyntii, fanaaniintan Ee Maanta tababarka loo soo xirey ayaa waxay isugu jireen Fanaaniin da’yar ah oo ku cusub Fanka Goboladda KGS iyo Kuwii Hore isla markaana sanadahan dambe waxa gaabsi ahaa Fanta iyo Suugaanta Gobolada KGS.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo