Daawo: Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed SOWEJA Oo Cambaareyey Xariga Wariye Jaamac Deperani

0
230

Baydhabo(INO)-Ururka Suxufiyiinta Kooonfur Galbeed oo  ka Howlgala deeganada KGS  ayaa cambaareeyay Xariga loo geystay wariye Jaamac Deperani oo kamid ah wariyaasha ka Howlga deeganada Maamulka Puntland oo mudo Hal tododaad  ku dhow ku xiran saldhiga Magaalada Garoowe.

 

Wariyaasha ayaa intooda badan watay warqado ay ku qornaayeen Ereyo muujinaya in si sharci daro ah uu ku xiran Yahay wariye jaamac Deperani oo kamid ah wariyaasha ka Howlga deeganada Maamulka Puntland.

Wariyaashii goobta ka Hadalay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland ee SOWEJA Muxdiin Xusni iyo kuwo kale iyagoona Maamulka Puntland ka codsaday in la sii daayo wariye jaamac Deperani.

Ugu dambeyntii, Wariye jaamac Deperani ayaa dhawaan  Madaxtooyada Maamulka Puntland  ku wareystay  Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada soomaliya Cabdiraxmaan Axmed Maxamed Xuseen Odawaa iyadoona dhawaan Loo wado in la horkeeno Maxkamada Sare Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here