Xudur(INO)- Ururka (BECDA) ayaa maanta Agab waxbarasho gaarsiiyay Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee Xudur, oo ay dhigtaan arday isugu jirta Danyar iyo agoomo.
Agabyadaas oo ay aheyd mid ka kooban Buugaag iyo Qalimaan waana agabyadii ugu horeyey oo waxbarasho oo ka timid urur maxali ah la soo gaarsiiyo magaalada Xuddur ee Gobalka Bakool.
Tirada ardada ka faa’ideysatay deeqdaan waxay gaarayaan ilaa 120 arday oo isla markaaana arday walbana uu helay 4 buug iyo 2 qalin.
U jeedadana waxay ahayd in Bulshada la caawiyo in lagu dhiira geliyo in cid kastana ay wax sameyn karto, ayna jiraan Caruur badan oo gaartay Da’adii waxbarashada oo waalidkoodana aan awoodin in ay bixiyaan iskaba daa lacagaha Iskuulka xitaa Uniformka, Buugaagta, Qalimaanta ayaa Ku Nool Magaalada Xudur.
Dhalinyaradaan ku midoobey Ururka BECDA waxay ka soo jeedaan Gobolka Bakool waxayna u istaageen sidii Qaaraan ay iska uruuriyeen ugu caawin lahaayeen Degaankooda oo iaygu ay wax u soo barteen.