Subaxnimadii Khamiista ee maanta waxaa Hay’adda Badbaadinta Rayidka ee Talyaanigu ku dhawaaqeen inay dhimashadu ilaa hadda marayso 247 qof, kadib markii maalintii Arbacada dhulgariir xoogiisu yahay 6.2 magnitude uu ku dhuftey bartamaha Talyaaniga.
Sida laga soo xiganayo Wasiirka caafimaadka Talyaaniga Beatrice Lorenzin dadka dhulgariirka waxaa ku geeriyoodey waxa ay u badan yihiin caruur iyo waayeel.
Weli waxaa la aaminsan yahay in dad badan ay ku xabaalan yihiin burburka guryaha kuwaas oo aan weli laga quusan in la badbaadiyo.
Waxaana kor u kici karta tirada dhimashada sida u sheegay maalinti shalay Ra”iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi.
Weli waxaa si xawli ah u socda baadigoobta iyo badbaadinta dadka ku hoosjira dhismooyinka ku soo dumay dhulgariirka.
Magaalada Amatrice oo keliya dad gaaraya 8000 oo qof ayaa hoy la’aan ah kadib markii guryahoodi bur bureen, waxaana banaanka magaalada looga dhisey teendhooyin kumeel gaar ah.