Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay waxaa Maanta Lagu soo gaba-gabeeyay shirkii loogu Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ee dhanka iyo doorashooyinka,
Shirka waxaa kasoo qeyb Galay Ergooyin ka socday Maamulada shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool kuwaasi oo Hoos Yimaadaan Dowlada Koonfur Galbeed ee soomaliya.
Dhanka kale Ergooyinkii ka qeyb Galay shirka ayaa intoooda badan kusoo bandhigay shirka sidey u arkaan doorashada ka dhici doonta soomaliya sanadka 2016-ka iyo qaabkey Noqon doonto.
Mas’uuliyiintii ka qeyb Gashay shirkii looga Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ee ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa kamid ahaa Madaxweynaha DowladaKonfur Galbeed soomaaliya x.ildhibaano ka Tirsan Baarlamanka soomaliya, iyo Madax ka Tirsan Koonfur Galbeed soomaliya.
Ugu dambeyntii, Madaxda sidoo kale shirka ka qeyb Gashay waxaa kamid ah Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Sahro Cali Samatar , iyo Gudoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Cismaaciil Xaliimo yareey.