Daawo: Shariif Xasan Oo Maanta Baydhaba Gaarey, Iyadoo Ay Ku Kacsanyihiin Mowjado Siyaasadeed

0
227

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay hareeyeen guul darooyin siyaasadeed oo adag ayaa Maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden oo Muqdisho ay ka raaceen Wasiiro iyo xildhibaano la dhacsan siyaasadiisa ayaa waxa Baydhabo kusoo dhaweeyey qaar ka mid Maamulka Madaxtooyada, waxaana loo galbiyey xarunta Maamulka uu degenyahay.

Safarkan ayaa la sheegayaa in Shariif Xasan uu ku qiimeenayo kooxo mucaarad ah oo saldhigoodu yahay Muqdisho oo wada abaabul siyaasadeed oo ay kaga soo horjeedaan xukunkiisa Liita iyo Jabinta Qodob ka mid ah Dastuurka KGS , waxaana shariif Xasan Sheekh Aaden uu wadaa sidii uu u dhantaali lahaa siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ku kacsan.

Waxa lasoo sheegay in kulan deg deg ah uu la qaadan doono Saraakiisha Amaanka ee AMISOM oo uu kala hadli doono in ay xakameeyaan shirarka iyo kulamada siyaasadeed ee lagu qabanayo magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxa muuqda siyaasiyiin ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwo ka mid ah Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo wada dadaal ah sidii loo qulubi lahaa siyaasada iyo Hamiga Shariif Xasan Sheekh Aaden oo lagu eedeenayo dayaca shacabka iyo deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinac Kale Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Maanta Xafiiska ku qaabiley Wefdi uu hogaaminayey Wakiillka Gaarka ah Ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha bini’aadanimada Ee Soomaaliya Mr. Peter design.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Xuquuqda Sawirada: Wasaarada Warfaafinta KGS