Daawo: Shan jir Suuriyaan ah oo soo jiitay dareenka bulshada caalamka

0
215

Allepo(INO)- Shan jir u dhashay Wadanka Suuriya, ayaa soo jiitay dareenka bulshada caalamka, ka dib markii barraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo muujinaayo dhaawac habeenkii Arbacada ka soo gaaray duqaymaha dhinaca cirka ee ku foorara Magaalada Aleppo.

Muuqaaladan, ayaa muujinaayay Omran Daqneesh oo ku fadhiya kursi jaalo/huruud ah, ee mid ka mid ah gaadiidka gurmadka deg degga ee ka hawlgala Magaalada Aleppo.

Kooxaha mucaaradka Suuriya, ayaa Warbaahinta la wadaagay muuqaalada Omran Daqneesh, xilli ay ka muuqatay naxdin iyo daal, sidoo kalana uu wejigiisu daboolay dhiig xargagay iyo boor.

Mid ka mid ah shaqaalaha gaadiidka ambulance-ka, ayaa Warbaahinta u sheegay in shan jirkan ay ka soo saareen mid ka mid ah tiro dhismooyin ihi oo ku burburay duqayntii hal habeen ka hor.

Shaqaalaha adeegga caafimaadka ee isbitaalada Aleppo, ayaa sheegaaya in Omran Daqneesh ay ka dabiibeen dhaawacii ka soo gaaray duqayntaasi, ka hor intii aysan qoyskiisu la wareegin.

Duqayntan, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay sideed ruux oo shan ka midda ay carruur tahay, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka.

Staffan de Mistura, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Suuriya, ayaa dhinacyada ku hardamaaya Suuriya ku eedeeyay in duqaymo arxandaro ah ku hayaan Magaalada Aleppo. Wakiilka ayaa xusay inay dhinacyadaasi diideen gurmad bani’aadanimo, oo loo fidiyo dadka ku nool goobaha ay mucaaradku kaga sugan yihiin Magaaladaasi.

Dowladda Ruushka, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii aqbashay inay 48 saac joojinayso hawlgaladii ay ka waday Aleppo, si gurmadka bani’aadanimo loo gaarsiiyo dadka u baahan.

Daqneesh Daqneesh1 Daqneesh2 Daqneesh3 Daqneesh4 Daqneesh5 Daqneesh7 Daqneesh8 Daqneesh9 Daqneesh91