DAAWO SAWIRRADA:- Tababar dalka Uganda loogu soo xiray ciidamo ka tirsan XDS

0
247

Carbiska oo socday Muddo 6 bilood ah ayaa maanta loo soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya, iyadoo ay kasoo qaybgaleen Wafdi  ka socotay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud “Axmed Carab” madaxa hawl wadeenka Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya C/risaaq Maxamuud Rooble  iyo  Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Wafdiga ayaa waxaa Diyaarad Helicopter  ah ka qaaday Magaalada Kampala iyadoo sidoo kalena ay ku weheliyaan Safarkaas Xubno ka tirsan Dawladda uganda oo uu Horkacayay Wasiirka Gaashaandhiga Dr. Kirisbas Kiyonga, Safiir ku xigeenka Safaarada Uganda ee dalka Soomaaliya Fred Mukisha, Taliyaha Ciidamada Dhulka iyo Saraakiil kale oo ka socotay Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Uganda.

Markii ay Wafdigu gaareen Xerada Bihagana ee ku taala Gobolka Ibandha ee Galbeedka dalkan Uganda ayaa waxaa halkaas kusoo dhowayay Saraakiil ka socotay Midawga Yurub uuna Hogaaminayay Safiirka Midawga Yurub ee dalkan Uganda mr. Ridolfo iyo Taliska Xerada uu Tababarku uga socday Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Waxaana intaa kadib Wafdiga loo soo bandhigay Macluumaad ku saabsan Xerada Bihanga iyo Ciidamada Tababarka ku qaadanaya, iyadoo sidoo kalena loo qaybiyay Noqolo ka Tarjumaya xaaladaha nololeed, tababaradii ay qaadan jireen iyo Macluumaad ku saabsan Ciidanka tababarka dhamaystay.

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee iyagu dhamaystay tababarka ayaa halkaas waxa ay kusoo bandhigeen xeeladihii dagaal ee ay qaateen intii ay ku jireen Xeradan, iyadoo tababarada lasiiyayna ay isugu jireen qaababka loo baaro koontaroolada, sida looga dagaalamo magaalooyinka dhexdooda, qaybta karateega iyo  qaybo kala dawan oo Dhamaantood ay usoo bandhigeen si ay la dhaceen Wufuudii kasoo qaybgashay xiritaanka Tababarkan.

Xafladan lagu soo xirayay Carbiska la siiyay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa hadal ka jeediyay wufuud ka kala socotay Wadamada Midawga Yurub, Uganda iyo Soomaaliya, Safiirka Midawga Yurub oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Midawga Yurub ay Dadaal badan ku bixiyeen sidii dalka Soomaaliya uu markale Cagihiisa isugu taagi lahaa, iyadoona uu sheegay in Tababarkan ay siiyeen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo dhawr sano qaatay uu Tusaale cad u yahay.

Safiirka ayaa dhinaca kale sheegay in Midawga Yurub hada wixii ka danbeeya Ciidamada Soomaaliya uu ku tababari doono Gudaha Dalka, arintaas oo ah Mid Dawladda Soomaaliya ay dadaal badan u gashay sidii Ciidamada Soomaaliya Gudaha dalka Tababar loogu siin lahaa.

Safiirka ayaa sidoo carabaabay in Tababarakan ay iska Gaashaadeen 21 dal oo ka tirsan Midawga Yurub iyo Dalka Serbiya.

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalka Uganda oo Khudban kooban ka jeediyay Xaflada ayaa sheegay in tirada guud ee Ciidamada maanta dhamaysatay Tababarka ay gaarayaan 500 oo Askari, isoo sheegay in Tirada Guud ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee Lagu tababaray Xerada Bihanga ay gaarayaaan 4177 Askari oo dhamaantood dib loogu Celiyay Gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Uganda Dr. Krisbas Kiyonga oo Isna hadal Kooban u Jeediyay Ciidamada Soomaaliyeed ee Tababarka dhamaysatay ayaa ku booriyay in ay Danta guud ka horaysiiyaan tan qabiilka, isla markaana marka ay dalka dib ugu noqdaan aanay ku dhex milmin Shacabka dhexdiisa.

Dawladda Soomaaliya ayaa Ciidamo loogu tababaraa Meelo kala duwan oo kamid ah caalamka oo dalka Uganda kamid yahay, waxaana xerada Bihanga oo ku taala galbeedka Dalkan Uganda la aasaasay Sanadii 2008-dii, Waxaana markii hore Qorshaha Tababarida Ciidamada Soomaaliya isu xilsaartay Dawladda Uganda, iyadoo markii danbena taageero ka heshay Wadamada Midawga  Yurub oo gacan weyn ka gasytay sidii Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya loo siin lahaa Tababar ku filan.

Idale News Muqdisho