Daawo Sawiro:Weerar ismiidaamin oo ka dhacay Kabul – 61 ruux oo ku dhimatay

0
280

afghan
Kabul(INO)- Ugu yaraan 61 ruux ayaa ku geeriyootay, 207 kalena waa ay ku dhaawacantay weerar ismiidaamin oo ka dhacay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.

Weerarkan ayaa lala beegsaday dad ku dibadbaxayay fagaaraha Deh Mazang halkaas oo ay isugu yimaadeen qowmiyadda dadka laga tirada badan ayahay ee hazar.

Dadkan ayaa ka dibadbaxayay koronto ka imaaneysa dalalka Turkmenistan, Usbekistan iyo Tadsjikistan oo soo galeysa Afghanistan, aan lasoo marsiineyn gobolka Bamiyan halkaas oo ay ka jirto koronto la`aan baahsan.

afghan1

Masuuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegtay kooxda Islaamiga ee ISIS, waxaana loo badinaya in tirada dhimashada ay intaasi kasii badato.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda caafimaadka Afghanistan ayaa horay u sheegtay in 50 ruux ay ku dhinteen weerarkaasi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.