Daawo Sawiro:US: Donald Trump oo loo doortay musharraxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga

0
345

trumph

Ohio(INO)- Xalay saqdhexe xilliga Afrika ayaa waxaa uu xisbiga Jamhiijira ee loo qaraan Republikanka waxa uu ku dhawaaqay cidda u ah musharraxa madaxweyne ee doorashada Mareykanka, waxaa uu noqday ninka maalqabeenka ah ee Donald Trump.

Mr. Trump ayaa u baahnaa codadka 1.237 oo ruux si uu ugu soo boxo musraxnimada xisbiga, waa uuna helay, sidaasna waxaa loogu doortay musharraxa xisbiga ee madaxweynaha Mareykanka.

Musarrax Trump ayaa bartiisa twirreka kula qeyb saday taageerayaasha warkan farxadda leh ee ah in uu kusoo baxay musharreaxnimada xisbiga.

 Labada caruur ee Trump ayaa si weyn uga dhex muuqday xafladdii codeynta ee uu kus soo baxay aabohood, waxaana sida la sheegay ay dhiibeen labada cod ee ugu dambeeyay.

Doorashada Mareykanka ayaa dhaceysa bisha November ee sanadkan.

trumpwin
trumwin1

 Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.