Ceptown(INO)— Shir looga hadlayay doorashooyiska Soomaaliya ee sanadkan ka dhacaya Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Pretoria ee dalka Koofur Afrika.
Shirkan oo uu qabtay Machadka Cilmi baarista ee Human Sciences Research Council ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka Afrikada Koofureed Jamaal Barrow, Qunsulka Safaarada Maxamed Cali Mire, xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Koofur Afrika, Jaaliyada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.
Danjire Jamal Barrow ayaa oo kulanka ka hadkay ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyso lix tiir oo ay muhimadda koowaad labaad iyo saddexaad siiso ammaanka, xaaladda dalka Soomaaliyana ay hadda ka duwan tahay sanadihii hore sida ay ahayd.
“ Labaatan Sanno kaddib Soomaaliya hadda waxa ay dib u yeelatay Bandhgi dhexe kaasoo u shaqeeeya sida Bangiyada Caalamiga ah, dhinaca kale waxaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay Qurba joogtii ugu badneyd kuwaasoo doonaya inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Dalka”ayuu yiri Danjuruhu.
Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka hadlayay doorashooyinka sanadkan dhacaya ayaa sheegay in dowladahii hore ee KMG ahaa lagu soo dooran jiray meelo ka baxsan Soomaaliya, balse hada horumar badan laga sameeyay oo ay doorashada markii labaad ka dhici doonto Maamul Goboleed Soomaaliya iyo Caasimadda intaba.
“ Waxaan wadnaa Waddadii lagu gaari lahaa Sanadka 2020-ka in loo codeeyo qof iyo codkiisa balse caqabadaha inaga heysta doorashooyinka ayaa ah inay dadka aqoon durugsan u laheyn doorashada, doorashadii hore ee 2012-ka waxaa soo doortay 275 xildhibaan balse hadda waxaan wadnaa in illaa 14000 qofood ay doorasho samaynayaan, waana wax ku dayasho mudan” ayuu yiri Xildhibaan Faarax C/qaadir.
Shirara kale oo looga hadlayo Doorashada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka dhici doonaa Magaalooyinka Cape Town iyo Durban ee dalka Koofor Afrika, iyadoo si weyn loogu faaqidi doono arrimaha doorashooyinka.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.