Daawo Sawiro:Madaxweyne Shariif Xasan iyo Madaxa UNCHR oo Maanta ka Wada-hadlay Xaaladda Qaxootiga KGS

0
860

Baydhabo(INO) — Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo qaar ka mid ah gollahiisa wasiiradda, ayaa Madaxtooyada KGS ee Baydhabo Maanta kula kulmay Madaxa Hay’adda u Qaabilsan Qaramada Midoobay Qaxootiga ee UNHCR, Mr Filippo Grandi , Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo madaxa UNHCR ayaa ka wadahadley xaaladda qaxootiga Ku nool Degaanada Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo barnaamijka la xiriira dib u soo celintooda, qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Kenya, qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya jooga , xaaladda Barakaca-yaasha iyo tahriibka.

Wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah ugala hadlay Wafdiga UNHCR iyo DFS Qaabka ugu habboon ee Dib Waddanka loogu soo celinayo Qaxootiga Ka soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku jira xeryaha Dhadhaab Iyo Sidii Gargaar looga gaarsin lahaa Dadka Ku tabaaleysan Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Waxaan u mahad-celinayaa Laanta QM ee Qaxootiga ee UNHCR Shaqada Wanaagsan ee Dhinaca Taakuleynta Qoxootiga Soomaaliyeed. Waxaan UNHCR iyo Beesha Caalamka ka Codsanayaa inay gacan weyn ka geystaan dib u dajinta iyo soo celinta Qoxootiga ku nool Waddamada dariska, Taakuleynta barakaceyaasha iyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ka imanaya Yemen,’’ ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Dhanka kale, Mr. Filippo Grandi ayaa Sheegay in UNCHR ay ka Go’an tahay inay Kaalmo dheeri ah u fidiso qaxootiga ku sugan xeryaha iyo kuwa dalka ku soo laabanaya, iyo weliba in laga shaqeeyo diyaarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Ugu dambeyn, Kulankaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliyeh Cumar.

Isha Sawiradda; Wasaardda War faafinta KGS

Idale News Online, Baydhabo