Daawo Sawiro:Jeneraal Jabuutiyaan ah oo loo magacaabay taliyaha ciidamada AMISOM

0
362

taliyejabuti

Muqdisho(INO)- Maalinimadii shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM jeneraal Cismaan Nuur Subagle kaas oo kasoo jeeda dalkaasi Jabuuti.

Taliyaha ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loogu qabtay xaflad soo dhawey ah taas oo ay ka qeyb galeen saraakiisha sar-sare ee ciidamada AMISOM.

taliyejabuti1

Jeneraal Subagle ayaa munaasabadda soo dhaweynta kaddib la kulmay madaxa Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, kaas oo kusoo dhaweeyay xilka cusub ee taliyaha guud ee ciidamada AMISOM.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa soomaaliya ka jooga ciidamo ka dirsan daladda ASMIOM, waxaana magacaabidda Jeneraalkan kasoo jeeda Jabuuti qeyb ka tahay wareegidda xilka taliyenimo ee AMISOM kaas oo loo dhiibo sanad walba taliye kasoo jeeda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

taliyejabuti2

taliyejabuti3

taliyejabuti4

taliyejabuti5

taliyejabuti6

 Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.