Gaalkacyo (INO) Doorashada duqa degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa goor dhow la soo gaba-gabeeyay,waxaan xilka duqa degamada ku guuleystay Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey).
Doorashada duqa degmada ayaa gaartay saddex wareeg,halka doorashada ku-xigeenka degmada ay ku soo dhammaatay wareegii ugu horreeyay.
Afar musharrax ayaa u tartamay xilka duqa degmada Gaalkacyo,waxaana dooranayay saddon iyo kow xildhibaan oo ay ka kooban-yihiin golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.
Wareegii Koowaad:
Cismaan Salaad Fagaase 2-cod
Deeg Maxamuud Xaashi 8-cod
Yaasiin Maxamed Jaamac 3-cod
Maxamuud Yaasiin Axmed 17-cod
Hal cod ayaa halaabay,wareegi koobad.
Wareegii Labaad Waxaa Isugu Soo Haray:
Maxamuud Yaasiin Axmed
Deeg Maxamuud Xaashi
Yaasiin Maxamed Jaamac
-Waxaana isaga haray Cismaan Salaad Fagaase
Natiijada Wareegii Labaad:-
Maxamuud Yaasiin Axmed 19-cod
Deeg Maxamuud Xaashi 10 -cod
Yaasiin Maxamed Jaamac 2-cod
Wareega Saddexaad,Waxaa u gudbay:
Maxamuud Yaasiin Axmed
Deeg Maxamuud Xaashi
Natiijada Wareega Saddexaad:-
Maxamuud Yaasiin Axmed 24
Deeg Maxamuud Xaashi 7
Duqa degmada Gaalkacyo ahna guddoomiyaha degmada ayaa sida,waxaa ku noqday Maxamuud Yaasin Axmed (Tumay),markii uu helay 24 cod wareegii ugu dambeeyay.
Sidoo kale,waxaa la doortay ku-xigeenka duqa degmada oo u ku guuleystay Farxaan Cabdi Gaafaa oo helay 21,doorashada ku-xigeenka ayaana ku dhacday hal wareeg,waxaana u tartamay labo musharrax oo kala ah musharraxa guuleystay ee Gaafaa iyo Cabdifitaax Xassan Xuseen oo laga guuleystay markii uu helay 10-cod.
Doorashadan ayaa dhacday,markii uu dhawaan madaxweynaha Puntland kala diray golihii deegaanka degmada Gaalkacyo.
__
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.