Muqdisho(INO) — Golaha Wasiirrada Xukuumada Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta yeesheen ku cambaareeyay weerarkii Argagixiso ah ay ku qaadeen Masjidka Nebi-Muxamed (NNKH) ee Magaalada Madiina dalka Saudi Arabia.
Wasiirada Xukuumadda Somalia ayaa tacsi u diray caalamka Islaamka, gaar ahaan Boqortooyada Sucuudiga, iyagoo uga tacsiyeeyay weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday Masaajidka Barakaysan ee Islaamka.
Sidoo kale, Xukuumada Somalia – waxay Taageertay baaqii shalay ay soo saareen culummada Soomaaliyeed ee looga soo hor-jeesteen falkii waxashinimada ahaa ee lagu beegsaday Masjidka barakaysan ee Nebigeenna Muxamed (NNKH).
Hay’adda Culummada Soomaaliyeed ayaa waxay ku baaqday shalay in dibad-bax ka dhan ah weerarkaas oo Muqdisho ka dhaca, iyadoo weerarkan uu ka dhacay Sucuudiga horraantii bishan lagu jiro ee July.
Ugu dambeyntii, Weerarka Masaajidka Nebiga (NNKH) ee Madiina, ayaa waxaa ku dhintay afar qof iyadoo ay ku Dhaawacmeen 10-qof oo kale, Waxaana Weerarkaan uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo lala beegsado Masjidka Nebiga ee Madiina Al-Munawara.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay