Reutlingen (INO)- 21 jir u dhashay dalka Suuriya, ayaa Axadii haweeney uur laheyd ku dilay Magaalada Reutlingen ee dalka Jarmalka, halka laba kalana uu ku dhaawacay oo middi ay haweeney tahay.
Ninkan oo baangad ku hubeysnaa, ayaa dadkaasi ku weeraray bannaanka hore meel maqaaxi ah. Ciidanka Booliska oo gaaray goobta uu falku ka dhacay, ayaa xiray wadooyinka ku xeeran maqaaxidaasi.
Warbaahinta Jarmalka, ayaa qoreysa in ninka weerarka gaystay uu murun dhex maray haweeneydii uu dilay, ka hor intii aanu dilka ku dhaqaaqin.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska, ayaa sheegay in uu xiriir ka dhaxeeyay ninkaasi iyo haweeneydii uu dilay, ayna ka wada shaqeynayeen maqaaxida uu dilku ka dhacay.
Mohammad Alhelo oo ka tirsan shaqaalaha maqaaxida, ayaa isna sheegay in murun uu dhex maray labadaasi qof, isla-markaana ay ahaayeen kuwo uu xiriir ka dhaxeeyay, sida uu yiri.
Nin watay gaari nooca raaxada ah, ayaa isagoo xawaare ku socda ku qaaday ninka dilka gaystay, iyadoo uu dhulka ku dhacay, mana samayn wax dhaq dhaqaaq ah, illaa Ciidanka Booliska ay ka qabtaan.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.