Istanbul(INO)- Isku soo bax ballaaran, ayaa waxaa uu Axadii ka dhacay Magaalada Istanbul ee Wadanka Turkiga, kaasoo lagu taageeraayay dimoqraadiyadda, halka lagu cambaareeyay isku deygii afgambi ee dhicisoobay.
Bannaanbaxaan, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xisbiga ugu wayn ee mucaaradka Turkiga (CHP), iyadoona uu ka soo qaybgalay Hogaamiyaha Xisbigan oo lagu magacaabo Kemal Kılıçdaroğlu.
Kemal Kılıçdaroğlu, ayaa wuxuu si xoogan u cambaareeyay afgambigii fashilmay ee 15-kii bishan ka dhacay Turkiga, laguna doonaayay in lagu rido dowladda Madaxweyne Erdoğan.
Kemal Kılıçdaroğlu, ayaa waxaa uu afgambigan ku sheegay mid lagu doonaayay in lagu burburiyo dimoqraadiyadda Turkiga, waxaase uu mahdiyay shacabka oo si wayn uga horyimid afgambigaasi.
Bannaanbaxayaasha oo socod ku soo maray wadooyinka Magaalada Istanbul, ayaa waxay markii dambe isugu yimaadeen Fagaaraha Taksim Square, waxaa ay wateen sawirada hogaamiyihii hore ee Turkiga, Mustafa Kemal Ataturk, kaasoo lagu tilmaamo in uu yahay aabihii dimoqraadiyadda u horseeday dalkaasi.
Muxaafid iyo mucaaradba waxay Madaxda Turkiga kaga horyimaadeen inqilaabka lagu eedeeyay in uu soo qaban qaabiyay wadaadka Fethullah Gülen, waxaana dalka ka soconaaya hawlgal xididada loogu siibaayo taageerayaashiisa.
Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Turkiga waxaa uu wacad ku maray in uu sii socon doono hawlgalada ka dhanka ah kuwii soo maleygay afgambiga fashilmay.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.