Daawo Sawiro Naxdin Leh: Gabar 6 Sano Jir Ah Oo Dab Dhibaato Ugu Geystey Xudur+Baaq Loo Direy Muslimiinta

0
170

Xudur(INO)– Xabiibo Nishow waa 6 sano jir ku nool Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool, waxayna mudo la xanuunsantahay dhibaato kasoo gaartay gubasho dab ay ku dhacdey xilli ay ku sugneyd gurri keligeed joogtay oo kuyaala duleedka magaalada xuddur gaar ahaan Deegaanka Eeleheliyi.

Mahelin cid caawisa oo dabka ka damisa ilaa uu dabka iskiisa u baqtiyo,waxaana jirkeeda ka baxay dheecaan badan taas oo sababtay in jirkeedii oo dhan bislaado.

Gabadhaan yar oo dhibaatadaan lasoo deristay mudo, waxaa lagu hayay gurigooda balse hada ayaa lasoo gaarsiiyey magaalada Xuddur goobaha caafimaad oo la geeyey.

Bahda caafimadka waxay sheegeen iney waxba u qaban karin maadaama mudo ka badan 60 maalmood ay aysan helin wax daryeel ah oo lagula tacaalo, ayna haboon tahay in si deg-deg ah loo gaarsiiyo isbitaal  si wax looga qabto. Qosykeeda waa danyar ma awoodaan inay  bixiyaan kharashaadkii lagu geyn lahaa xarun  caafimaad oo ka baxsan Magaalada Xudur.

Faadumo Axmed Maanuur waa hooyada dhashey Xabiibo Nishow ,waxayna codsaneysaa in gabadheeda la caawiyo maadaama mudo badan horteeda ku silacsan tahay.

Hadaba akhristow ugargaar gabadhaan yar oo cidna umaqneyn ceelna u qodneyn Alle kasokow adoo ugu gargaarayo bani’aadanimo.

Wixii faafaahin intaa dheer kala xiriir —Tell:+ 252612602929DSC00254

DSC00253

DSC00252DSC00251DSC00250

DSC00249DSC00248

Wariye Maxamed Xasan Awgooni, Xudur, Bakool