Baydhabo(INO)-Mas’uuliyiinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay Magaalada Baydhabo maanta Shacabka ku wehlinayeen Tukashada Salaada Ciida isla markaaana waxay bulshada kula tukadeen Garoonka Dr. Ayub Ee Magaalada Baydhabo.
Ku Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi, Gudoomiyaha Baarlamanka,Wasiiro Xildhibaano Saraakiisha ciidanka qalabka sida ,Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Baydhabo , Odayaal iyo mas’uuliyiin kale ayaa salaad ciida ku tukadeen Garoonka Dr. Ayub ee Magaalada Baydhabo.
Ku Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa salaada ka dib waxaa uu hadal u jeediyay bulshada Magaalada Baydhabo waxaana uu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu is cafiyaan iyadoo laga faa’iideysanayo munaasabada ciida .
Iyadoo Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka soo kabanayso dhibaato mudo dheer dhex maquuranaysay rajada ummadda Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya sii kordheyso.
Qaar ka mid ah wasiirada, xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Degmada ayaa dhankooda waxaa ay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada KGS iyagoo u rajeeyay in farxad ay sanadkaan kiisa kale ku gaaraan.
Halkan Ka Daawo Sawirada.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.