Baydhabo (INO) Wafdigaan Maanta Gaarey Deegaanka Awdiinle Ee Gobolka Bay Ayaa Waxaa Hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Hub-Ka dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaad DKGS Waxaana Qeyb Ka Haa Gudoomiyaha Degmada Baydhabo .
Ujeedka Safarka Ayaa Waxaa UU Ahaa Sidii Ciidamo Laga Soo Kala Xulay Ciidanka Booliiska Gaarka Ah Ee DKGS Dhaxdiisa Loogu Furi Lahaa Tababar Ku Aadan La Dagaalanka Maleeshiyada Al Shabaab oo dagaal adag kula jirto Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed iyo Kuwo AMISOM.
Ciidamada Ayaa Waxaa Ay Ka Kala Yimaadeen Degmooyinka Diinsoor, Bardaale Iyo Qansaxdheere Ee Gobolka Bay Iyadoona Maalmaha Soo Socda Ay Ku Biiri Doonaan Ciidamo Kale Oo Iyada Laga Soo Kala Xulay Degmooyinka Baydhabo BuurHakaba. Waajid. Tiyeeqlow Iyo Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool.
Ujeedka Ciidanka La Isugu Keeney Ayaa Waxaa Ay Tahay La dagaalanka Maleeshiyada Mayal adag ee Al Shabaab Ee Mararka Qaar Dadka Ku Dhibaateeya Wadooyinka Isku Xira Gobolada Bay Iyo Bakool.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaalada Abdulaahi Cali Watiin Ayaa Kula Dardaarmey Ciidanka In Ay Ku Dadaalan Sidii ay Ugu Qeybqaadan La Haayeen Sifeynta Haraadiga Maleeshiyada Al Shabaab .
Wasiirka Wasaarada Hub-Kadhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaad DKGS Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) Ayaa Sheegey In DKGS Ay Diyaar U Tahay Sidii Ay U Qalabeyn La Heyd Ciidanka Isku Dhafka Ah Ee Laga Kala Keeney Degmooyinka Gobolada Bay Iyo Bakool.
Dhanka Kale Wasiir Xasan Eelaay Ayaa Sheegey In Inta Ay Ku Soo Jireen Wada Ciidankaan Maanta Ku Kulmey Deegaanka Awdiinle Ay Wada Dagaal Ay Kula Soo Galeen Maleeshiyaad Wadooyinka Ku Dhuumaaleysanayey.
Si kastaba ha ahaatee, Isku Dhafka Ciidanka Ayaa Qeyb Ka Ah Dib U Soo Celinta Ciidan Qaran Oo Hanan Kara Awooda Dalka Maleeshiyada Al Shabaabna Ka saari Kara Deegaanada Dalka Ay Ka Joogaan.
Ugu dambeyntii, Dowlada KGS Ayaa bilowdey Isku Dhaf Ciidan Oo Laga Kala Keeney Dhamaan Degmooyinka DKGS.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.