Daawo Sawiro: Barakac ka soconaaya Xarunta Gobolka Helmand

0
203

Halmand(INO)- Shacabka ku dhaqan Magaalada Lashkar Gah ee Gobolka Helmand ee Wadanka Afghanistan, ayaa waxay bilaabeen inay isaga barakacaan Magaaladaasi, xilli hareeraheeda uu dagaal culus ka soconaayo.

Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Ururka Taliban, ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku dhex maraayay dagaal hubka waawayn leesku adeegsanaayo.

Xoogaga Taliban, ayaa la soo sheegayaa in ay ku sii siqayaan Xarunta Gobolka Helmand ee Magaalada Lashkar Gah, taasoo dadka deegaanka ku khasabtay in ay guryahoodu isaga cararaan.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta Caalamka u sheegay in Xoogaga Taliban ay u muuqdaan kuwo ka soo gudbaaya fariisimaha ay ka dagaalamayaan Ciidamada Dowladda.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda, ayaa waxay beeniyeen in mintidiintu ay kaabiga ku hayso Magaalada Lashkar Gah.

Ciidan xoojin ah oo Dowladda Afghanistan ay ka dirtay Magaalada Kabul, ayaa rajo laga muujinayaa suurtagalnimada bal inay difaacaan Lashkar Gah.

Ciidamada Britain oo qayb ka ahaa isbahaysiga Nato, ayaa laba sano ka hor isaga baxay Magaaladaasi. Talibanka ayaa maamula inta badan Gobolka Helmand.

Helmand Helmand1 Helmand2 Helmand3 Helmand4 Helmand5 Helmand6 Helmand7 Helmand8 Helmand9 Helmand91 Helmand92 Helmand93 Helmand94 Helmand95

An Afghan National Army (ANA) soldier gestures as they arrive in Nad Ali district of Helmand province, southern Afghanistan August 10, 2016. REUTERS/ Abdul Malik

Helmand97

Afghan National Army (ANA) troops arrive in Nad Ali district of Helmand province, southern Afghanistan August 10, 2016. REUTERS/ Abdul Malik

Helmand99